Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

October 1, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

DFS oo sheegtay in howlgal lagu dilay 15 katirsan Al-Shabaab


Dowladda Federaalka Soomaaliya oo war soo saartay ayaa sheegtay in howlgal ka dhacay Deegaanka Sinadhaqa ee Gobolka Galgaduud ee Galmudug ay ku dishay 15 Xubnood oo katirsan Al-Shabaab.

Dowladda ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga dalka uu dagaal xooggan kala hortagay xubno katirsan Al-Shabaab oo weeraray saldhig Ciidamada Federaalka ay ku leeyihiin deegaankaas.

Dowladda ayaa u mahadcelisay Mareykanka & Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS oo gacan ku siinaya Ciidanka Federaalka & Kuwa Dowlad Goboleedyada dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee dalka ka socda.

Warkan ka soo baxay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli gobolada dhexe ee dalka ay socdaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab.

Horseed Media 



Horseed News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .