Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

September 28, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Wararkii u dambeeyay ee Weerarka weli ka socda Hoteelka Xayaat – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia


Weerarka fiidkii xalay ay dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen Hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho ayaa weli socda, iyada oo la maqlayo rasaas iyo qaraxyo.

Ciidamada Dowladda oo isugu jira Booliiska gaarka ah ee AlFA Group iyo Nabad sugida ayaa weli ku howlan sidii ay u soo afjari lahaayeen dagaalka oo muddo saacado ah socda.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerarka. Waxaa la soo warinaya in dad Madax ah ay wax ku noqdeen weerarka, balse ma cadda inta uu la egyahay khasaaraha Dhimasho iyo dhaawac.

Dad isugu jira mas’uuliyiin iyo shacab ayaa saacadihii u dambeeyay laga soo badbaadiyay Hoteelka, kuwaa oo ku sugnaa gudaha Hoteelka.

Gawaarida Gargaarka deg dega ayaa weli dadka ka soo qaadaya goobta ay wax ka shaceen, iyaga oo geynaya Isbitaalada Magaalada Muqdisho.



Radio Kulmiye

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .