Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

September 28, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Van Dijk oo u digay xiddigaha Liverpool kahor kulanka ay wajahayaan Man United – Gool FM




(Liverpool) 19 Agoosto 2022. Daafaca kooxda Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa uga digay saaxiibadiis inay u baahan yihiin inay ka taxadaraan kulanka Manchester United ee fooda inagu soo haya ee ku dhexmari doona labada kooxood horyaalka Premier League.

Garoonka Old Trafford ayaa marti galin doonta kulanka la filayo inuu qabsoomo isniinta soo aadan, waxayna Red Devils kulanka ku soo gali doontaa dhibco la’aan kaddib markii laga soo badiyay labadii kulan ee hore, halka Reds ay iyadana labaddii kulan la soo dhaafay ka heshay 2 hibcood.

Van Dijk ayaa Old Trafford u arka kulanka ugu fiican oo ay Manchester United dib ugu soo laaban karto kaddib markii ay si liidata ku bilaabatay xilli ciyaareedkan intii uu hoggaaminayay tababaraha cusub ee Eric Ten Hag.

Virgil van Dijk ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska Liverpool Echo, wuxuu fariin ugu diray saaxiibadiis Reds, wuxuuna yiri:

“Waxaan dooneynaa inaan badino, oo aan sameyno wax walba oo suurtagal ah si aan halkaas ugu guuleysano.”

“Sanadkan, bilowga ah wuxuu inoo ahaa mid adag, Ma aanan soo bandhigin bilowgii wanaagsanaa oo aan rabnay, marka kulanku wuxuu noqon doonaa mid xiiso leh.”

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .