Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

September 28, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Rooney oo Mbappé ku canaantay sababa la xiriira qaabkii uu ula dhaqmay Messi – Gool FM




(Paris) 19 Agoosto 2022. Halyeeyga Manchester United ee Wayne Rooney ayaa weerar kulul ku qaaday xiddiga Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe, sababa la xiriira qaabkii uu ula dhaqmay saaxiibkiis Lionel Messi.

Kaamirooyinka ayaa soo qabtay Kylian Mbappe oo si ula kac ah garabkiisa ku dhufunaya Lionel Messi inta lagu jiray kulankii horyaalka Faransiiska ay la ciyaareen Montpellier.

Isla kulankaas ayaa markale lagu daawaday isku dhaca Kylian Mbappe iyo saaxiibkiis kale Neymar Jr, kaddib markii ay isku qabsadeen rigoore iyo waliba daqiiqad uu Mbappe ku guuldareystay inuu saaxiibadiis ka caawiyo weerar rogaal celis ah.

Wargeyska Marca ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Wayne Rooney, kaasoo uu ku canaantay Kylian Mbappe, wuxuuna yiri:

“Ciyaaryahan 23 jir ah ayaa arrintan ku sameeyay Messi, waligey ma arkin isla weyni taas ka weyn nolosheyda.”

“Waa inuu qof xusuusiyaa Mbappe, in Messi marka uu jiray 23 sano, uu ku guuleystay Ballon d’Or 4 jeer.”

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .