Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

September 28, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Maxaa ka soo kordhay heshiiska uu Casemiro ugu biirayo Manchester United? – Gool FM




(Manchester) 19 Agoosto 2022. War saxaafadeed ayaa shaaca looga qaada in qorshaha heshiiska uu xiddiga Real Madrid ee Casemiro ugu biirayo kooxda Manchester United uu ku socdo si xasaasi ah.

Casemiro ayaa aqbalay dalabka kaga yimid kooxda reer England, inkastoo uu ka mid yahay xiddigaha ugu muhiimsan shaxda kooxda Real Madrid.

Wararka ayaa sheegaya in qiimaha Casemiro uu ugu wareegayo Manchester United laga yaabo inuu gaaro 70 million euros.

Saxafiga lagu qadariyo arrimaha dhanka suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo macalimiinta Yurub ee Fabrizio Romano, ayaa soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

“Saacadihii ugu muhiimsanaa si loo dhammeystiro heshiiska, Manchester United-na waxay aaminsan tahay in heshiiska uun kaliya wakhti ka harsan yahay.”

“Heshiisku wuxuu qaadan karaa 24 ama 48 saacadood, iyadoo la sugayo baaritaanka caafimaadka ee aan wali la mudeynin, sii qabsashada fiisaha, iyo saxiixa qandaraas afar sano ah.”

Fabrizio Romano ayaa wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay: “Tani waa sababta joogitaanka Casemiro ee kulanka Liverpool ee horyaalka Premier League ay wali tahay mid aan macquul ahayn.”

Kooxda Man United ayaa marti galin doonta kooxda Liverpool isniinta soo socota kulan ka tirsan Isbuuca saddexaad horyaalka premier League ee xilli ciyaareedka cusub.

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .