Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

August 20, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Taliska ciidanka DDS oo shaaciyey inay 800 ka dileen Al-Shabaab



Jigjiga (Caasimada Online) – Taliska ciidamada dowlada deegaanka Soomaalida ayaa faahfaahin cusub ka bixiyey dagaalladii u dhexeeyey ciidamada Liyuu Boolis iyo Al-Shabaab ee maalmihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanno ku yaalla xadka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Taliyaha ciidanka gaarka ah ee dowlada deegaanka Soomaalida General Maxamed Axmed oo markii ugu horreysay warbaahinta macluumaad ka siiyey dagaalladaasi ayaa ka warbixiyey inta uu la egyahay khasaaraha rasmiga ah ee ay gaarsiiyeen Al-Shabaab.

General Maxamed Axmed ayaa shaaca ka qaaday inay ka dileen illaa 813 xubnood oo ay ku jiraan 24 hoggaamiye, sida uu hadalka u dhigay,

“Khasaaraha gaaray 813 nin ayaan tirinay meydadkooda, waxaana ku jiray 24 hoggaamiye oo uu horey lacago u dul-dhigay Mareykanka,” ayuu yiri taliyuhu.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daraya in dhaawaca uu gaarayo illaa 340, kuwaas oo uu tilmaamay inay ka ogaadeen deegaanadii la geeyey dhaawacyadaasi.

“Illaa 340 dhaawaca meelihii ay geeyeen ayaan xogtooda ka helnay,” ayuu markale yiri taliyaha ciidanka gaarka ah ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Maxamed Axmed oo sii hadlaya ayaa sidoo kale ku faanay inay nolosha ku qabteen ku dhowaad 100 xubnood oo ka tirsan xoogagii weerarka ku qaaday dowlad deegaanka

“92 nin oo Al-Shabaab ah oo nool ayaan gacanta ku heynaa,” ayuu sii raaciyey Taliyaha ciidanka gaarka ah ee dowlada deegaanka Soomaalida.

Hadalkaan ayaa ku soo aadayo, ayada oo horey dowladda Itoobiya ay u shaacisay in ay dishay hoggaamiyeyaal sar-sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kadib dagaalladii ka dhacay deegaanada dhaca xadka, balse waxaa goor dambe soo hadlay Fu’aad Shongole iyo Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo ka mid ahaa xubnaha ay sheegtay inay dishay Itoobiya.





Caasimadda News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .