
Kooxaha wax iska caabbinta reer Falastiin ayaa sheegay in inka badan 100 Gantaal ay ku rideen qaar kamid ah magaalooyinka Israa’iil, taasi oo sida ay shegeen jawaab u ah duqeeymahii ay Ciidamada Yahuudda ka geeysteen Marinka Gaza.
Wararka ayaa sheegaya in Afar Israa’iiliyiin ah ay dhaawacmeen kadib markii qaar kamid ah Gantaalada ay ku dhaceen gudaha Telaabiib.
Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in 130 Madfac oo ay soo rideen kooxda Islaami Jihaad ay u gudbeen gudaha Israa,iil, hkuwaasi oo geeystay khasaara kala duwan.
Saxafiyiinta ku sugan maamulka Israa’iil, ayaa sheegay in gudaha Telaabiib laga maqlayay dhawaqa Ganbaleelka digniinta iyo Gawaarida gurmadka degdega ah.
Dhanka kale, Kooxda Xamaas ee maamusha Marinka Gaza ayaa sheegtay in kooxaha hubeysan ee reer Falastiin ay ku mideysan yihiin dagaalkan, isla markaana aysan ka aamusi doonin waxa ay wadaan Ciidmada Israa’iil.
More Stories
Wararkii ugu dambeeyey khasaaraha weerarka hotel Xayaat oo ay weli ku jiraan Al-Shabaab
Caruur iyo haween laga soo badbaadiyey hotel Xayaat iyo kuwo weli ku go’doonsan
Barnaamijka Murti iyo Maaweelo (19-08-2022) – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia