Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

August 20, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Everton vs Chelsea – Wax waliba oo aad uga baahan tahay kulanka ugu adag Isbuuca furitaanka ee horyaalka Premier League – Gool FM


(Liverpool) 06 Agoosto 2022. Waa mid ka mid ah kulammada ugu xiisaha badan usbuuca furitaanka xilli ciyaareedka cusub 2022-23 ee horyaalka Premier League, kaasoo fiidnimada caawa oo Sabti ah ka dhici doona garoonka Goodison Park.

Toffees ayaa ku dhameysatay kaalinta 16-aad xilli ciyaareedkii hore, kaliya waxay si dirqi ah uga fogaatay inay u laabato heerka labaad ee Championship, halka Chelsea ay ku dhammeysatay kaalinta seddexaad ee dhanka kala sarreynta horyaalka Premier League.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Premier League

Kulanka: Everton vs Chelsea.

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 07:30 Fiidnimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Goodison Park.

Garsooraha: Craig Pawson.

Wararka kooxaha:-

Kooxda kubadda cagta ee Chelsea ayaa ka walaacsan xaalada taam ahaansho ee xiddigaheeda Timo Werner iyo Armando Broja balse ma qabto wax dhibaatooyin ah oo kale, halka Raheem Sterling iyo Kalidou Koulibaly ayaa diyaar u ah inay kusoo bilawdaan.

Everton ayaa waayi doonta adeega weeraryahankeeda Dominic Calvert-Lewin oo mudo bil ah seegaya garoomada kaddib dhaawac jilibka ah ee soo gaaray, sidoo kale waxaa ka maqnaan doona xiddigo ay ka mid yihiin Andros Towsend, Andre Gomes, Tom Davies iyo Salomon Rondon.

Laakiin taasi badelkeeda tababare Frank Lampard ayaa heli doona dhammaan adeeyada saxiixyada cusub ee kooxda James Tarkowski, Ruben Vinager iyo Dwight McNeil.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Everton XI: Pickford; Godfrey, Mina, Tarkowski; Patterson, Doucoure, Allan, Mykolenko; Gordon, Gray, McNeil.

Chelsea XI: Mendy; Azpilicueta, T Silva, Koulibaly; James, Kante, Kovacic, Chilwell; Mount, Havertz, Sterling.

Gool FM.





Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .