
Madaxweyne kuxigeenka Dowlad gobaleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa Kulan laqaatay masuuliyiinta Hay’adda Gift of the Givers, isagoo kala hadlay sidii wax loogu qaban lahaa dad ay Abaaraha sameyeen.
Sidokale waxaana kulankaan qayb ka ahaa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland iyo Hay’adda qaabilsan daryeelka Qaxootiga iyo Barakacayaasha Jubbaland.
Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa ku baaqay in dhamaan Hey’adaha gargaarka bixiya ay si hagar la’aan ah wax ugu qabtaan dadka tabaleeysan ee ay sameeyeen Abaaraha ka jira qeyba kamid ah degaannada Jubbaland.
Degaannada Jubbaland ayaa waxaa ay kamid yihiin meelaha ugu daran ay Abaarta siweyn u saameysay dadka kunool.
More Stories
Wararkii u dambeeyay ee Weerarka weli ka socda Hoteelka Xayaat – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia
Wararkii ugu dambeeyey khasaaraha weerarka hotel Xayaat oo ay weli ku jiraan Al-Shabaab
Caruur iyo haween laga soo badbaadiyey hotel Xayaat iyo kuwo weli ku go’doonsan