Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

August 20, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Barcelona oo go’aamisay qiimaha dalabkeeda ugu dambeeya ay kaga iibsaneyso Lewandowski – Gool FM




(Barcelona) 29 Juun 2022. Barcelona ayaa muujisay xiisaha ay u qabto adeega Robert Lewandowski, laakiin ku adkaysiga Bayern Munich ee ku aadan inuu la sii joogo ayaa hor istaagay inuu dhammeystirmo heshiiska labada dhinac.

Sida laga soo xigtay warbixin uu daabacay wargeyska Sport ee dalka Spain, maamulka Barcelona ayaa dajiyay qiimaha ugu saarreeya, ee dalabka ay u gudbin karaa Bayern, si loo dhammeystiro heshiiska.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Bayern Munich ay dooneysay inay hesho lacag dhan 75 million euros si ay ugu heshiiyaan iibinta Lewandowski, kaasoo aad uga weyn qorshaha Barcelona.

Wargeyska Catalan ayaa sheegay in dalabka ugu dambeeya ee Barcelona uu noqon doono 40 million euros, marka lagu daro gunnooyinka.

Waxaa lagu soo waramayaa in xiddiga reer Poland uu si cad u muujiyay rabitaankiisa ah in uu soo afjaro mustaqbalkiisa kooxda Bayern Munich isaga oo raadinaya khibrad cusub.

Lewandowski waa 33 jir, wuxuuna qandaraas kula jiraa kooxda Bavarian-ka ilaa June 2023.

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .