
Kismaayo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo ururka 5-aad, Guutada 16aad ee Kumaandooska DANAB iyo Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Jubbaland ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.
Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxa lagu bur-buriyay taliskii qaraxyada ee kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanada Beerxaani, Qudus, Dharkeyn Urur, Yaaq-dabayl iyo Barjalla ee gobolka Jubbada hoose.
Sidoo kale waxa howl-galkaan lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab, ayada oo gacanta looga dhigay maadooyinkii ay u isticmaalayeen sameynta qaraxyada isugu jira miinooyinka dhulka la galiyo iyo kuwa dhajiska ee lagu xiro baabuurta iyo guryaha.
Saraakiisha howl-galkan hoggaaminayay waxay sheegen in lagu qabtay Afar Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo aruurinayey lacagaha ay Al-Shabaab ugu yeeraan sakawaadka, hub iyo gaari ay doonayeen inay u adeegsadaan qarax ismiidaamin ah.
More Stories
Jubbaland oo Hay’adaha samafalka kala hadashay u gurmashada dadka ay Abaaraha sameyeen – Radio Muqdisho
Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Sheekh Aadan Madoobe iyo Lafta Gareen?
Casharka Tafsiirka { 29-06-2022}= Suuratu {Huud Darsigii {294AAD} – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia