Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

June 29, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Ergeyga Gaarka ah ee arrimaha gurmadka abaaraha oo kulan la yeeshay madaxa save the children UK – Radio Muqdisho


Ergeyga Madaxweynaha JFS Xassan Sheekh Maxamuud u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha iyo beni’aaadannimada mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan qadka fogaan aragga ah la yeeshay madaxa ugu sarreeya hay’adda Save the Children ee Ingriiska.

Gwen Hines ayaa warbixin dhammeystiran Ergeyga ka siisay howlaha ay hay’addeeda ka qabato gudaha waddanka Soomaaliya.

Ergeyga ayaa uga mahad celiyay dedaalka ay hay’adda Save ku bixineyso samatabixinta bulshada dhibaataysan, isaga oo sidoo kale ka codsaday in ay ka gacan siiyaan sidii dowladda ingiriisku u kordhin lahayd taageerada bani’aadannimo ee dalkeennu baahida weyn u qabo.

Ugu danbeyn, Gwen Hines oo boggaadisay dedaallada dowladda Soomaaliya iyo xafiiska Ergeygu ku bixinayaan arrimaha bini’aadannimada ayaa soo dhaweysay codsiyada Ergeyga, iyada oo taageero dhinacyadaas ku aaddan u ballanqaadday.





Radio Muqdisho

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .