Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

June 29, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

TOOS: Munaasabadda xil wareejinta Madaxweynaha oo ka socota Villa Somalia


Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta Villa Soomalaiya waxaa haatan ka socota munaasabadda xil wareejinta Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo loo soo qaban qaabiyey si ballaaram.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qayb-galaya madax kala duwan oo ay ugu horreeyaan guddoomiyeyaasha labada Aqal, taliyeyaasha ciidamada iyo marti sharaf kale.

Sidoo kale ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Madaxtooyada iyo kooxda Baambeyda ayaa qayb ka ah munaasabadda oo ka socota barxadda weyn ee madaxtooyada.

Labada Madaxweyne ayaa maanta si rasmi ah xilka isugu wareejinaya iyadoo kadib Farmaajo uu soo baneyn doono Villa Somalia oo uu ku shaqeynayey 5 sano lasoo dhaafay.

Madaxweynaha cusub ee mar 2aad la doortay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna maanta wixii ka dambeeya si rasmi ah ula wareegaya hoggaanka dalka, isaga oo kadib guda-geli doono dhismaha dowladdiisa cusub, waxaana ugu horreeya magacaabida ra’iisul wasaare.

Dhacdadaan ayaa ah mid xiiso badan, waxayna uga duwan tahay munaasabadihii hore in labada nin ee midna sii galayo Villa Soomaaliya mid kalena kasoo baxayo ay horey sidan oo kale xilka isugu wareejiyeen, kadib doorashadii 2017-kii oo loo adkaaday Xasan Sheekh oo isna haatan doorashada 2022 uga guuleystay Farmaajo oo uu horey ugu wareejiyey talada.

Si kastaba, munaasabaddan ayaa dhammeystir u ah doorashadii soo socotay mudada sanadka ka badan, waxaana xafiiska ku wareegaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.





Caasimadda News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .