
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku wargeliyay Wasiirka Arrimaha dibadda in laga bilaabo 1 Janaayo 2022 shaqaalaha dowladda ee la bedelay ama shaqada laga qaaday aanay waafaqsaneyn go’aankii Golaha Wasiirada.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdi Saciid Muuse ayaa qoraal loo faray in dhammaan shaqaalihii la bedelay dib loogu fasaxo howlahooda shaqo, dibna loogu celiyo goobihii iyo xafiisyadii ay ka shaqeynayeen si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.
Sidoo kale waxaa la faray dhammaan hey’addaha dowladda ee warqadan ogeysiinta lala socodsiiyay inay qabsadaan howlaha kaga aadan fulinta amarkan.


More Stories
Ciidamada Israa’iil oo markale maanta weerar ku qaaday magaalada Jeniin – Radio Muqdisho
Jubbaland oo Hay’adaha samafalka kala hadashay u gurmashada dadka ay Abaaraha sameyeen – Radio Muqdisho
Turkiga oo ogolaaday in dalalka Sweden iyo Finland ku biiraan NATO