
Waxaa maanta lagu wadaa in xarunta Madaxtooyada Soomaaliya Xilalka ku kala wareegaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo 15-kii Bishaan lagu doortay Teendhada Afisiyooni iyo Madaxweynihii hore ee xilka kasii dagaya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Xafladda xil wareejinta ayaa lagu wadaa in goordhaw bilaabato waxaana Lagu wadaa in ay Ka Qeybgalaan Madaxweynayaasha xilalka isku wareejinaya, Guddoonka labada Aqal, Taliyeyaasha Ciidamada, Xildhibaannada iyo Golaha Wasiirada iyo marti sharaf kale oo aad u badan.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbado koo kooban ka jeedin doona munsaabadda xil wareejinta iyo xubnaha kale ee lagu marti qaaday.
More Stories
Muxuu R/W Xamza ka yiri khilaaf dhex-mara isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh?
Musharax madaxweyne Raila Odinga oo sameeyey ballan-qaad saameynaya Somalia
Soomaaliya iyo ISRAEL ma samaysan karaan xiriir siyaasadeed?