Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

June 29, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Nin dhaliili jiray Madaxweynaha Jabuuti oo lagu xiray Somaliland


See the source image

Ciidamada Somaliland ayaa xabsi ku yaala degmada Gabilay dhigay nin lagu magacaabo Aare Saleebaan Cowleed.

Aare Saleebaan ayaa baraha bulshada si weyn uga dhaliila madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Xariga ninkan waxaa xaqiijiyay Xamse Khayre oo ka tirsan Xisbiga mucaaradka ah ee Wadani oo xabsiga ku booqday.

Sidoo kale waxa uu xukuumada Somaliland uga digay iney ninkan mucaaradka ah u gacan galiyay dowlada Jabuuti oo uu ka soo cararay.

Xarunta madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka Somaliland ayaa iyana war ka soo saartay kiiska ninkan.

Xarunta ayaa ka digtay in Somaliland ay ku kacdo fal lamid ah mid ay Jabuuti ugu dhiibtay 2014-kii muwaadin isaga soo cararay cabsi uu qabo madaxweynaha Jabuuti dartees





Horseed News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .