Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

June 29, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Kooxaha Chelsea iyo Leicester City oo dhibcaha ku qeybsaday garoonka Stamford Bridge – Gool FM




(London) 19 May 2022. Kooxaha Chelsea iyo Leicester City ayaa dhibcaha ku qeybsaday garoonka Stamford Bridge, kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 1-1 ah, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Chelsea iyo Leicester City ku kala nasteen barbardhac 1-1 ah.

Daqiiqadii 6-aad Leicester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay xiddigooda khadka dhexe James Maddison.

Laakiin 34 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Chelsea ayaa dhalisay goolka barbardhaca kaddib markii uu 1-1 ka dhigay Marcos Alonso oo caawin ka helay saaxiibkiis Reece James.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Balse ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay barbardhac 1-1 ah ay ku kala baxeen labada kooxood Chelsea iyo Leicester City, kaddib kulan xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka Stamford Bridge.

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .