
14 May 2022 (Puntlandes)Â Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa kulan ku saabsan amniga doorashada la yeelanay Gudigga Qabanqaabada Doorashada madaxweynaha JFS iyo saraakiisha ciidanka booliska Soomaliyeed iyo kuwa howl-galka ATMIS.
Shirka waxaa ka soo qeyb galay ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Midowga Africa marwo Fiona Lortan, Taliyaha Guud ee (sector1) Maj. Gen William Shume, Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska .Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo saraakiil sare oo ka tirsan howlgalka ATMIS iyo Booliska Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa saraakiisha lagu faray in ay ka wada shaqeeyaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen in doorashadu ku dhacdo si nabdoon.
Doorashada madaxweynaha JF Soomaaliya ayaa waxay dhacaysaa berri oo ku beegan 15ka may 2022, taas oo ay shahaada musharaxnimo ay gudoomeen 39 musharax inkastoo labo ka md ah ay ka hareen.
















More Stories
Dhageyso: Taageerayaasha Farmaajo ee baraha balshada oo billaabay arrimo naxdin leh
Wariye Ruug cadaaya oo BBC-da ka tirsan oo diyaarad lagaga dhex tagay
Warar kala duwan oo ka soo baxaya muwaadin Jabuutiyaan ah oo Xukumada Muuse Biixi ku xidhay Gabilay