

(London) 14 Maajo 2022. Liverpool ayaa loo caleemo saaray ku guuleysiga koobka FA Cup kaddib markii ay rigoorayaal 5-6 ah ku garaacday kooxda Chelsea, kaddib kulan leysku daalay ay ku wada ciyaareen garoonka Wembley.
Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Chelsea iyo Liverpool ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
90-ka daqiiqo ee ciyaarta ayaa waxay ku dhammaatay barbardhac 0-0 ah, waxaana lagu daray waqti dheeri oo 30 daqiiqo ah.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 5-4 rigoorayaal ay kaga adkaatay Liverpool, kooxda Chelsea, Reds ayaana loo caleemo saaray ku guuleysiga koobka FA Cup xilli ciyaareedka 2021/22.
Gool FM.
More Stories
Kooxda Real Madrid oo xiiseynaysa inay xagaagan la saxiixato Ilkay Gundogan – Gool FM
Kooxaha Chelsea iyo Leicester City oo dhibcaha ku qeybsaday garoonka Stamford Bridge – Gool FM
Liverpool oo ku soo biirtay doonista Antony & Manchester United oo wadnaha farta ku haysa – Gool FM