Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

May 23, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Liverpool iyo Chelsea… (Xog walba oo aad uga baahantahay ciyaarta fiinaalka FA Cup) – Gool FM


(London) 14 Maajo 2022. Kooxaha Liverpool iyo Chelsea ayaa mid kastoo ka mid ah waxay dooneysaa inay ku guuleysto koobka FA Cup-ka, oo ay caawa kulanka finalka ku wada ciyaari doonaan garoonka Wembley.

Liverpool ayaa u soo baxday finalka FA Cup-ka kaddib markii ay 3-2 kaga badisay Manchester City, halka Chelsea ay finalka u soo baxday kaddib markii ay 2-0 ku garaacday Crystal Palace.

Chelsea ayaa rajaynaysa in ay guul ka gaarto Liverpool oo ay xili ciyaareedkeeda ku badbaadsato hanashada koobka FA Cup, halka Reds ay doonayso in ay ku guulaysato koobkeedii labaad ee xili ciyaareedkan kddib Carabao Cup.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Final FA Cup

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 06:45 Maqribnimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Wembley Stadium

Garsooraha: Craig Pawson (England)

Wararka kooxaha:-

Tababare Jürgen Klopp ayaa xaqiijiyay in kulanka caawa ee Finalka FA Cup uu ka maqnaan doono xiddiga reer Brazil ee Fabinho, balse taas badelkeeda macalinka reer Germany ayaa kulanka caawa u heli doono dhammaan adeegyada xiddigaha kooxdiisa.

Dhanka kooxda Chelsea uu hoggaamiyo Tababare Thomas Tuchel ayaan heli doonin kulanka caawa adeegyada xiddigaheeda kala ah Hudson-Odoi iyo Ben Chilwell, balse warka ugu wanaagsan ee Blues ayaa noqonaya inay ciyaari karaan labada xiddig khadka dhexe ee N’Golo Kante iyo Mateo Kovacic oo dhaawacyo kala duwan kaga maqnaa safka kooxda.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Fool ka fool

Taariikh ahaan, Liverpool waxay ku wajahday kooxda Chelsea, tartanka FA Cup-ka, kahor kulanka caawa 10 jeer, Reds ayaa badisay afar jeer, waxaana laga badiyay lix kulan.

Liverpool ayaa 16 gool ka dhalisay Chelsea, halka kooxda reer London ay 21 gool ka dhalisay Reds, Bobby Tambling oo ah halyeey Blues ayaa ah gooldhaliyaha taariikhiga ah ee labada kooxood ku kulmeen koobkan, isagoo dhaliyay saddex gool.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:-

Chelsea: Edouard Mendy (GK), Cesar Azpilicueta, Thiago Silva, Antonio Ruediger, Reece James, Ruben Loftus-Cheek, Jorginho, Marcos Alonso, Mason Mount, Kai Havertz, Romelu Lukaku.

Liverpool: Alisson Becker (GK), Trent Alexander-Arnold, Ibrahima Konate, Virgil van Dijk, Andrew Robertson, Naby Keita, Jordan Henderson, Thiago Alcantara, Mohamed Salah, Sadio Mane, Luis Diaz.

Gool FM.





Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .