Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

May 22, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Koox weyn oo Yurub ah oo ku adkaysanaysa inay gacanta ku dhigto saxiixa Sadio Mané xagaagan – Gool FM




(Yurub) 14 Maajo 2022. Wariyaha reer Jarmal ee Florian Plettenberg ayaa shabakada Sky Sport u xaqiijiyay in Sadio Mane uu yahay bartilmaameedka ugu horeeya ee waqtigan ee kooxda Bayern Munich suuqa kala iibsiga xagaaga soo socda.

Sadio Mané ayaa dhawaanahan lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo kooxda Bayern Munich, weriyaha ayaa shalay warbixin uu qoray ku sheegay in Bayern ay indhaha ku heysay xiddiga heerka caalami ee dalka Senegal, ayna u dhaqaaqday inay xaqiijiso.

Florian Plettenberg oo ka tirsan shabakada Sky Sport ee dalka Germany ayaa ku soo qoray bartiisa Twitter-ka:

“Sida la sheegay lana xaqiijiyay haatan, agaasimaha ciyaaraha ee Bayern Hasan Salihamidžić waxa uu doonayaa in uu la soo wareego Mane, waxa uu ku jiraa lambarka 1-aad ee liiskiisa suuqa xagaaga.”

Qandaraaska Sadio Mane ee Liverpool wuxuu dhacayaa June 2023, welina lama cusboonayn, sidaas darteed Reds waxay halis ugu jirtaa inay si bilaash ah ku weyso sannadkaas haddii aysan iibin xagaagan, laakiin mudnaanta Reds ayaa ah inay qandaraaska u cusbooneysiiso.

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .