Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

May 22, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

DEG DEG: Booliska oo bedalay waqtiga bandowga la gelinayo Muqdisho






Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Booliska Soomaaliya ayaa sheeciyay in la kordhiyay waqtiga uu dhaqan-gelayo Bandowga caawa lagu soo rogayo magaalada Muqdisho.

Dadweynaha ayaa loo ogolyahay in caawa wixii ka horeeya 1:00 AM ay adeegtaan oo magaalada meeshii ay doonaan ay maraan, iyadoo markii hore uu waqtigu ku ekaa 9:00 PM.

Warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa Taliyaha booliska Soomaaliya Jeneraal Xijaar ayaa baahisay in Taliyuhu uu sheegay in iyadoo loo damqanayo bulshada la kordhiyay saacadaha ka dhiman waqtiga bandowga, si howlahooda muhiimka ah ay dadku u qabsadaan.

Sidoo kale taliyaha wuxuu xusay in aan la celin doonin Xildhibaanada heysta ID-card baarlamaanka Soomaaliya iyo dadka xaaladaha caafimaad ee deg-degga ah u baahan, kadib marka ay hubiyaan ciidamada amniga.

Ugu dambeyn taliyaha ayaa ku boorriyay qeybaha bulshada in ciidamada amnigu ay ku gacansiiyaan gudashada wajibaadka qaran ee loo igaday.

Axadda berri 8:00 AM ayaa lagu xaroonayaa hoolka doorashada ee teendhada Afisyooni, sida ay shaaciyeen guddiga doorashada, waxayna doorashadu bilaaba doontaa 10:00 AM.

 












Caasimadda News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .