Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

May 23, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Real Madrid oo NUS DARSAN goolal ah ku xaaqday Levante… (Vinícius oo saddexleey ka kacay) – Gool FM




(Madrid) 12 Maajo 2022. Real Madrid ayaa garoonkeeda Santiago Bernabéu si raaxo leh saddexda dhibcood kaga qaadatay Levante, kaddib markii ay ku garaacday 6-0, kulan ka tisanaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 4-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Real Madrid.

Daqiiqadii 13-aad Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu 1-0 ka dhigay Ferland Mendy, waxaana ka caawiyay goolkan saaxiibkiis Modric.

19 daqiiqo Benzema oo ay caawin kaga timid Vinícius Júnior ayaa ciyaarta ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay Real Madrid.

Daqiiqadii 34-aad Rodrygo ayaa caawin uu ka helay Modric waxay ka dhigtay in dheesha uu ka dhigo 3-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Real Madrid.

Vinícius Júnior ayaa daqiiqadii 45-aad wuxuu hoggaanka u dheereeyay kooxda Real Madrid, kaddib markii uu ciyaarta ka dhigay 4-0, iyada oo caawinta goolkan ay lugtiisa ka soo baxday markale Modric.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

68 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Vinícius Júnior oo caawin ka helay Benzema ayaa wuxuu ka dhigay 5-0 ay ku hoggaamineysay Real Madrid.

Vinícius Júnior oo caawin ka helay L. Jovic ayaa daqiiqadii 83-aad wuxuu dhaliyay goolkiisa saddexdaad ee ciyaarta wuxuuna ka dhigay 6-0 ay ku hoggaamineysay Real Madrid.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 6-0 ay kaga adkaatay Real Madrid, kooxda Levante oo marti ugu ahayd garoonka Santiago Bernabéu.

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .