

(Yaoundé) 29 Jan 2022. Labo kulan oo ka tirsan wareegga siddeed dhammaadka koobka qarammada qaaradda Afrika ayaa caawa lagu wadaa in la ciyaaro.
Wareegga siddeed dhammaadka Koobka qarammada qaaradda Afrika ee AFCON 2021 ayaa caawa daaha laga qorayaa, waxaana xulka marti-gelinaya Koobkan ee Cameroon uu la ballansan yahay Gambia.
Dhinaca kale Burkina Faso iyo Tunisia oo caawa isku dheggan ayaa midkood gaari doonaa wareegga afar dhammaadka koobka qarammada Afrika.
Haddaba halkaan hoose ka eeg xulalka wada ciyaari doona iyo saacadaha la baasan doono saacadda geeska Afrika:-
7:00 Fiidnimo xilliga geeska Afrika: Gambia vs Cameroon
10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika: Burkina Faso vs Tunisia
Gool FM.
More Stories
Iker Casillas oo farriin xamaasad leh u dirray xiddigaha Real Madrid kahor finalka Champions League – Gool FM
Gary Neville oo tilmaamay Saddexda ciyaaryahan Man United ka tirsam ee saameeyay soo laabashada Ronaldo – Gool FM
Sadio Mane oo fariin kaftan ah u diray Benzema kahor finalka Champions League – Gool FM