
29 Jan 2022 (Puntlandes) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka Cusub ee dowladda Maraykanku u soo magacowday Soomaaliya Mudane Larry André.
Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga Labada Dowladood ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, horumarinta, iyo diblomaasiyadda, isaga oo Danjire André soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono adkaynta xiriirka diblomaasiyadeed iyo wax-wada-qabsiga ka dhexeeya Labada Dowladood.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa Danjiraha Cusub ee Dowladda Maraykanka ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, wuxuu na u sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaageyso gudashada waajibka diblomaasiyadeed ee loo igmaday.









More Stories
Xog: Madaxweyne XASAN SHEEKH oo arrimo xasaasi ah kala hadlay FARMAAJO
Dhageyso: Taageerayaasha Farmaajo ee baraha balshada oo billaabay arrimo naxdin leh
Wariye Ruug cadaaya oo BBC-da ka tirsan oo diyaarad lagaga dhex tagay