
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Muqdisho ka wada kulamo ku aadan Doorashada, isaga oo maanta kulan gaar ah la yeeshay Odayaasha Odayaasha Dhaqanka iyo Guddiga Doorashada beelaha Banaadiriga.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Doorashada, gaar ahaan sidii ay caddaalad ugu dhici laheyd Doorashada kuraasta Banaadiriga oo dhowaan lagu qabanayo Muqdisho.
Ra’iisul wasaaraha ayaa Guddiga faray in ay ka shaqeeyaan Doorasho hufan oo waafaqsan heshiisyada Doorashada ee Madaxda hore u gaareen.
Sidoo kale Kulanka waxaa ka qeyb-galay Guddiyada Doorashada Heer Federaal ee (FEIT) iyo Xallinta Khilaafaadka, iyaga oo ka warbixiyay halka ay mareyso Doorashada.

More Stories
Jubbaland oo Hay’adaha samafalka kala hadashay u gurmashada dadka ay Abaaraha sameyeen – Radio Muqdisho
Turkiga oo ogolaaday in dalalka Sweden iyo Finland ku biiraan NATO
Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Sheekh Aadan Madoobe iyo Lafta Gareen?