

(Cameroon) 26 Jan 2022. Laacibka kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa la sheegay in la geeyay isbitaal kaddib markii ay isku dhaceen goolhayaha xulka qaranka Cape Verde ee Vozinha.
Mane ayaa kaddib markii isbitaalka la geeyay sheegay inuu wanaagsan yahay inkastoo ay madaxa jug kasoo gaartay markii uu kubbad sare kula loolammay Goolhaye Vozinha oo casaan lagu siiyay khaladkaas.
Si kastaba ha ahaatee, weeraryahanka Reds ayaa guul ka saaciday xulkiisa Senegal isagoo goolka koowaad dhaliyay ciyaar ay 2-0 ugu gudbeen wareegga siddeed-dhammaadka tartanka qarammada qaaradda Afrika.
Barta rasmiga ah ee uu tartanka Africa Cup of Nations ku leeyahay Twitter-ka ayaa lasoo dhigay sawirka goolhaya Cape Verde oo isbitaalka ku booqday Mane, halka 29-sano Liverpool ka tirsan uu isna qoraal kula wadaagay 1.9-ka milyan ee ku xiran bartiisa Instagram inuu wanaagsan yahay isagoo uga mahad celiyay fariimahooda.
Gool FM.
More Stories
Kooxda Real Madrid oo xiiseynaysa inay xagaagan la saxiixato Ilkay Gundogan – Gool FM
Kooxaha Chelsea iyo Leicester City oo dhibcaha ku qeybsaday garoonka Stamford Bridge – Gool FM
Liverpool oo ku soo biirtay doonista Antony & Manchester United oo wadnaha farta ku haysa – Gool FM