

(London) 26 Jan 2022. Saddexda kooxood ee waa weyn ee ka wada dhisan dalka England, kuwaasoo kala ah Liverpool, Arsenal & Man City ayaa la soo warinayaa inay ku loollamayaan saxiixa Youri Tielemans.
Warsidaha Fichajes ayaa warinaya in kooxaha waa weyn ee horyaalka Premier League, Liverpool, Arsenal iyo Manchester City ay dhammaantood wada doonayaan saxiixa laacibka khadka dhexe ee Naadiga Leicester City ee Youri Tielemans.
Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ayaa sidoo kale isha ku haya saxiixa 24-sano jirkaan, kaasoo qandaraaskiisa Kooxda Foxes uu ku eg yahay sanadka 2023-ka.
Dagaal adag oo ku aaddan saxiixa laacibkan ayaa billaabanaya, haddii Naadiga Leicester City ay awoodi weydo inay Tielemans ku qanciso inuu qandaraaska u kordhiyo inta u dhaxaysa haatan illaa dhammaadka xilli ciyaareedka.
Gool FM.
More Stories
Waqtiga kama dambaysta ah oo ay Man United ku dhameystireyso heshiiska De Jong oo daaga laga rogay – Gool FM
Man United oo shaaca ka qaaday go’aankeeda ku aadan iibka Cristiano Ronaldo – Gool FM
Darren Bent oo ugu baaqay Arsenal xiddiga ay tahay inay la saxiixato marka loo eego Gabriel Jesus – Gool FM