

(Manchester) 26 Jan 2022. Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa iska indho saabtay inay safkeeda xoojiso suuqa bishan January, hase ahaatee, waxaase lasoo warinayaa inay heshiis la gaartay naadiga River Plate oo ay xagaaga kasoo qaadaneyso weeraryahankeeda Julian Alvarez.
Alvarez oo xilli ciyaareedkii hore 45 kulan u saftaytartammada oo dhan naadiga ka dhisan dalka Argentina ayaa dhaliyay 24 gool isagoo 15 kalena ka caawiyay xiddigaha kooxdiisa, waxaana bandhiggaas uu Man City ku qanciyay inay 18.5 milyan oo euro kula soo wareegto suuqa xagaaga soo aaddan.
Sida uu sheegay suxufiga diiradda saara suuqa kala iibsiga ee Fabrizio Romano, 21-sano jirkan ayaa qalinka dul dhigi doono qandaraas shan sano ah oo uu Etihad kaga ciyaari doono isagoo illaa bisha July amaah ugu sii ciyaari doono naadiga River Plate.
Si kastaba ha ahaatee, Citizens ayaa meel iska dhigtay inay suuqan sameyso saxiixa weeraryahan cusub iyadoo uu xitaa ka dhaqaaqay Ferran Torres oo Barcelona ku biiray, waxaana Pep Guardiola oo go’aankan shaaciyay bishii December ee sanadkii tagay uu kooxda koowaad kusoo daray Cole Palmer si uu weeraryahan cusub uga maarmo.
Gool FM.
More Stories
Kooxda Real Madrid oo xiiseynaysa inay xagaagan la saxiixato Ilkay Gundogan – Gool FM
Kooxaha Chelsea iyo Leicester City oo dhibcaha ku qeybsaday garoonka Stamford Bridge – Gool FM
Liverpool oo ku soo biirtay doonista Antony & Manchester United oo wadnaha farta ku haysa – Gool FM