
Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay, halka laba kalena ay ku dhaawacmeen qarax galabta ka dhacay goob makhaayad ku taalla agagaarka Garoonka magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.
Goobjoogeyaal ayaa KNN u sheegay in dadka dhaawacmay uu kamid yahay Talye ku-xigeenkii hore Booliiska Gobolka Bari Axmed Jaraale.
Ciidamada Booliiska Puntland qeybta Gobolka Bari ayaa soo gaaray goobta ay wax ka dhaceen, iyaga oo baaritaano sameeyay.
Maanta ayay aheyd markii kooxo hubeysan ay Bartamaha magaalada Boosaaso ku dileen Talyihii Hore ee Kontoroolka magaalada, Barkhad Maxamed Jaamac, kaasi oo ay ciidamada ammaanka aysan dad u soo qaban.
More Stories
Dhageyso: Taageerayaasha Farmaajo ee baraha balshada oo billaabay arrimo naxdin leh
Wariye Ruug cadaaya oo BBC-da ka tirsan oo diyaarad lagaga dhex tagay
DDF waa sababta shacabku u taageereen Xasan Sheekh