Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

May 22, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Axmed Madoobe oo kasoo baxay ballantii uu la galay Lafta Gareen


Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka dhabeeyey ballantii ay isla galeen isaga madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen, taas oo la xiriirta kala bedashada laba kursi oo kala taalla Kismaayo iyo Baydhabo.

Doorasho ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo maanta lagu qabtay Kismaayo waxaa mid ka mid ah lagu doortay Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay) oo ah wasiirka Gaadiidka Koonfur Galbeed, wuxuuna kusoo baxay kursigii uu ku fadhiyay Maxamed Xasan Idiris Ganey.

Xasan Eelaay ayaa helay 74 cod, halka musharaxii la tartamayey ee Cabdiraxman Macalin Xuseen uu isna helay 21 cod, sidoo kale  waxaa halaabay 5 cod.

Tani ayaa ka dhigan in Axmed Madoobe uu kasoo baxay ballantii uu la galay Cabdicasiis Lafta Gareeb oo horey ugu booqday Kismaayo, sababo la xiriira doorashada kursigaasi.

Doorashada ayaa haatan sii socota, waxaana la guda-galayaa kuraasta kale ee loo qorsheeyey in isla maanta lagu qabto magaallo xeebeedka Kismaayo.

Jubbaland ayaa horay u qabatay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka, gaar kuwa deegaan doorashadooda ay tahay magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah fulinta heshiiskii dhowaan laga gaaray doorashooyinka Soomaaliya, kadib shirkii Golaha Wadatashiga ee ka dhacay magaalada Muqdisho.





Caasimadda News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .