Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

May 23, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Sevilla oo Manchester United kala heshiisay soo qaadashada Anthony Martial… (Heshiis noocee ah ayuu ugu dhaqaaqay Spain?) – Gool FM




(Manchester) 25 Jan 2022. Kooxaha kubadda cagta Manchester United iyo Sevilla ayaa wada-xaajood dheer oo guuleystay kaddib ku heshiiyay in weeraryahanka kooxda reer England ee Anthony Martial uu heshiis amaah ah ugu dhaqaaqo dhanka kooxda reer Spain.

Suxufiga ka faalooda suuqa kala iibsiga ee Fabrizio Romano ayaa laga soo xigtay in Sevilla ay bixineyso mushaharka laacibka Faransiiska ah oo gaaraya 150 kun oo gini iyadoo Red Devils ay sidoo kale heshiiskan ku qaadaneyso lacagta kala wareejinta oo ah shan milyan oo gini.

Suxufiga ayaa intaas ku daray in heshiiskan aanan lagu darin qodob doorasho ama waajib ah oo kooxda ka ciyaarta La Liga ay si buuxda ugula wareegeyso 26-sano jirka weerarka ka ciyaara.

Si kastaba ha ahaatee, Martial ayaa muujiyay ka go’naasho ku aaddan inuu ka dhaqaaqo garoonka Old Trafford maadaama uu dareemay inuusan muhiim u ahayn Man United xilli ciyaareedkan.

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .