Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

June 27, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Roberto Mancini oo kusoo daray Mario Balotelli safka xulka qaranka Italy kahor kulammada bug-baxa ee loogu soo baxayo Koobka Adduunka – Gool FM


(Italy) 25 Jan 2022. Tababaraha xulka qaranka Taliyaaniga ee Roberto Mancini ayaa soo saaray saf ka kooban 35 xiddig oo si wada-jir ah u tababaran doona maalmaha soo aaddan si looga soo xulo xiddigaha xulka Azzuri u matali doona kulammada play-offs (bug-baxa) ee loogu soo baxayo Koobka Aduunka ee sanadkan ka dhici doona dalka Qatar.

Waxaa safkan si lama filaan ah loogu arkay muddo saddex sano ka badan kaddib xiddigii hore ee Manchester City, Mario Balotelli kaasoo Taliyaaniga markii ugu dambeeyay u saftay ciyaar ka tirsaneyd UEFA Nations League oo ay barbarro 1-1 ah la galeen xulka Polan bishii September ee sanadkii 2018.

Mancini ayaa 35 xiddig isugu yeeray inay wada-jir u tababartaan 26-ka iyo 27-ka bishan January si uu kaga xusho safka xulkiisa Italy u matali doona ciyaarta muhiimka ah ee ay bug-baxa loogu soo baxayo Koobka Adduunka ku wajahayaan xulka North Macedonia bisha March ee sanadkan.

Maacallinka xulka heysta tartanka qarammada Yurub ee Euro 2020 ayaa aqoon wanaagsan u leh Balotelli, maadaama ay kasoo wada shaqeeyeen kooxaha Inter Milan iyo Man City, waxaana haatan xulka Italy uu u baahan yahay gool-dhaliye joogto ah maadaama Ciro Immobile iyo Andrea Belotti ay ku dhib qabaan inay qaab-ciyaareedkooda wanaagsan heerka kooxeed ay la imaadaan xulka.

Si kastaba ha ahaatee, safka xulka Taliyaaniga ee ka kooban 35-ka ciyaaryahan ayaa ah sidan:-

Goolhaye: Marco Carnesecchi (Cremonese), Alessio Cragno (Cagliari), Alex Meret (Napoli), Salvatore Sirigu (Genoa).

Difaaca: Alessandro Bastoni (Inter Milan), Cristiano Biraghi (Fiorentina), Davide Calabria (AC Milan), Giorgio Chiellini (Juventus), Mattia De Sciglio (Juventus), Giovanni Di Lorenzo (Napoli), Alessandro Florenzi (AC Milan), Luiz Felipe (Lazio), Gianluca Mancini (Roma), Luca Pellegrini (Juventus), Giorgio Scalvini (Atalanta), Rafael Tolói (Atalanta).

Khadka dhexe: Nicolò Barella (Inter Milan), Bryan Cristante (Roma), Nicolò Fagioli (Cremonese), Davide Frattesi (Sassuolo), Manuel Locatelli (Juventus), Matteo Pessina (Atalanta), Samuele Ricci (Empoli), Stefano Sensi (Inter Milan), Sandro Tonali (AC Milan).

Weerarka: Mario Balotelli (Adana Demirspor), Domenico Berardi (Sassuolo), Federico Bernardeschi (Juventus), Ciro Immobile (Lazio), Lorenzo Insigne (Napoli), João Pedro (Cagliari), Giacomo Raspadori (Sassuolo), Gianluca Scamacca (Sassuolo), Mattia Zaccagni (Lazio), Nicolò Zaniolo (Roma).

Gool FM.





Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .