Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

May 22, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

siciid Maxamed cali  oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisu yahay Hop-093. – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia


Muqdisho-KNN-Kursiga hop-093 oo kamid ahaa kuraasta Dorashadoodu ka dhaceysay maanta magaalada kismaayo ayaa waxaa ku guuleystay siciid Maxamed cali kaa oo helay codod dhan 74, Halka musharaxa kale ee la tartamayay isna uu helay codod dhan 22cod, Waxaa halaabay 3cod, Ergada codaysay ayaa iyana ahaa 99 qof.

Siciid Maxamed cali ayaa horay uga mid ahaa baarlamaankii sagaalaad waxaana kursigan afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyay sheekh nuur Maxamed xasan oo kamid noqday golihii wasiirada xukuumadii reysalwasaare kheyre waxa uu mar noqday Wasiirka xanaanada xoolaha iyo Wasiirka wasaarada diinta iyo Awqaafta.

Kursigaan uu ku guulaystay siciid Maxamed cali waxaa laga leeyahay degmada jammaame ee gobolka jubada hoose uu ku dhashay musharaxa ku guulaystay kursigaan waa khabiir ku taqsuusay cilmiga beeraha.

Xusuusta kursigaan siciid waxaa uu kamid ahaa dadkii waayay kursigaan 2016ka xilligaas uu kusoo baxay sheekh nuur Maxamed Xasan oo ah mudanihii kursigaan afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyay.



Radio Kulmiye

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .