Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

January 29, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Manchester City vs Chelsea… (Ka bogo xaqiiqooyinka xiisaha leh ee kulankooda 50-aad ee Premier League) – Gool FM


(Manchester) 15 Jan 2022. Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa kulanka ugu kulul horyaalka Premier League asbuucan maanta la ciyaareysa naadiga Chelsea xilli ay labadan naadi ku kula jiraan labada boos ee ugu sarreeya horyaalka haatan.

Man City ayaa hoggaanka heysa iyadoo leh 53 dhibcood, waxayna wajaheysaa Blues oo booska labaad kula jirta 43 dhibcood, taasoo la micno ah in kooxda Macallin Pep Guardiola ay 10 dhibcood ka sarreyso naadiga kusoo xigta.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 03:30 Galabnimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: Etihad Stadium

Garsooraha: Craig Pawson (England)

Wararka Kooxaha:

Macallinka Manchester City ee Guardiola ayaa sheegay inay jiraan kiisas cusub oo Korona ah kuwaasoo safkiisa la xiriira inkastoo uusan magacyadooda shaacin, dhanka kale, waxaa soo laabasho ku dhow John Stones oo kasoo kabanayay dhaawac halka Riyad Mahrez uu seegayo ciyaartan maadaama uu xulkiisa Algeria kala qayb galayo tartanka AFCON 2021.

Dhinaca kale, Chelsea xiddigeeda Andreas Christensen ayaa la maqnaan doona xanuunka Koofid-19 waxaana uu ciyaartoyda maqan ku wehlinayaa daafacyada kale ee Trevoh Chalobah, Ben Chilwell iyo Reece James oo dhaawacyo qaba, sidoo kale Edouard Mendy ayaa ku maqan tartanka qarammada qaaradda Africa, waxaana booskiisa qaadanaya Kepa Arrizabalaga.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Kani waa kulankii 50-aad ee labadan naadi ku dhex mara Premier League, Man City ayaa adkaatay kaliya afar ka mid ah 25-kii is arag ee hore, halka ay dhinaca kale guuleysatay 12 ka mid ah 24-kii is arag ee dambe.

Dhanka kale, waa markii labaad oo ay ku kulmayaan horyaalka iyagoo ah labada naadi ee ugu sarreeya horyaalka, markaasna taariikhdu waxay ahayd January 2015, Citizens oo kaalinta labaad ku jirtay ayaana barbarro 1-1 ah ka heshay Chelsea oo hoggaanka heysay.

Blues ayaa dhegaha lagu soo dhuftay siddeed ka mid ah 12-kii booqasho ee lasoo dhaafay oo ay ku tagtay Etihad Stadium.

Macallin Guardiola ayaa siddeed guuldarro kala kulmay naadiga Chelsea, waana kooxda dusha u saartay guuldarrooyinka ugu badan.

Guushii ay kooxda heysata horyaalnimada Yurub kusoo gaartay Etihad xilli ciyaareedkii hore waa guusha kaliya ee uu Macallin Thomas Tuchel ka gaaray Guardiola lix jeer oo ay ciyaar horyaal ah isku arkeen.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-

Manchester City:

Chelsea:

Gool FM.





Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .