Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

January 29, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Dowladaha Venezuela iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay arimo ku saabsan labada dal. – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia


Muqdisho-KNN-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maanta oo Jimce ah khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee Dalka Venezuela Mudane Felix Plasencia, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka Labada Dal.

Labada Wasiir ayaa wada-hadalkooda diiradda ku saaray sidii ay Labada Dal u yeelan lahaayeen iskaashi dheef-wadaag ah oo taabanaya dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga, diblomaasiyadda iyo ganacsiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Dhiggiisa Venezuela la wadaagay fursadaha dhaqaale iyo maalgashi ee ka jira Soomaaliya iyo sida ay uga go’an in ay Labada Dowladood yeeshaan xiriir qotadheer oo ku qotoma danaha Labada Shacab iyo Labada Qaran ee Soomaaliya iyo Venezuela.



Radio Kulmiye

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .