Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

January 29, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Aston Villa vs Manchester United…(Philippe Coutinho oo markii ugu horreysay ciyaari doona Premier League muddo afar sano ah) – Gool FM


(Birmingham) 15 Jan 2022. Naadiga Aston Villa ayaa caawa soo dhoweyneysa kooxda kubadda cagta Manchester United taasoo shan maalmood kahor kasoo cirib tirtay tartanka FA Cup, waxayse caawa foodda isku darayaan kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

Villa oo Isniintii lasoo dhaafay guuldarro 1-0 kasoo qaadatay Old Trafford ciyaartii ay kaga hartay FA Cup ayaa kala sarreynta horyaalka Ingiriiska kaga jirta kaalinta 14-aad iyadoo leh 22 dhibcood, halka Man United ay  ku jirto kaalinta toddobaad iyadoo leh 31 dhibcood, waxaana xusid mudan in labadan naadi ay heystaan min labo kulan oo u baaqday.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 08:30 Fiidnimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Villa Park

Garsooraha: David Coote (England)

Wararka kooxaha:-

Aston Villa ayaa caawa safashadooda ugu horreysa ee naadiga siineysa saxiixyadeeda cusub ee Lucas Digne iyo Philippe Coutinho iyadoo kubbad sameeyaha reer Brazil uu Premier League ciyaari doono markii ugu horreysay afar sano kaddib, hase ahaatee, waxaa ka maqnaan doona Ashley Young oo suul jabay laga dabiibayo iyo John McGinn oo ganaaxan.

Dhinaca kale, Luke Shaw iyo Scott McTominay ayaa ganaax kaga maqnaanaya Manchester United, balse waxaa la filayaa inay safka koowaad kusoo laabtaan Kabtan Harry Maguire, Phil Jones, Jadon Sancho iyo Cristiano Ronaldo kuwaasoo dhammaantood seegay ciyaartii FA Cup-ka ee Isniintii lasoo dhaafay.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Aston Villa ayaa wajigii hore ee horyaalka ku soo adkaatay 1-0, waxayna raadineysaa inay Manchester United labada lug ee horyaalka garaacdo markii ugu horreysay tan iyo xilli ciyaareedkii 1954-55.

Balse, Villa ayaa guul la’aan ah 22 kulan oo ay Man United kula ciyaartay garoonkeeda kulammada horyaalka Premier League, waana rikoorkeeda ugu xun ee horyaalka iyadoo heshay kaliya toddobo barbarro halka 15 jeerna la garaacay.

Kooxda ka dhisan Birmingham guusheedii ugu dambeysay horyaalka ee ay garoonkeeda kaga gaarto Red Devils waxay ahayd guul 3-1 oo ay gaartay bishii August 1995, balse 3-0 ayay League Cup ku adkaatay 1999.

Manchester United ayaa loo dhigay gool ku laad mid kasta oo ka mid ah afartii ciyaarood ee ugu dambeysay Premier League is araggan, Bruno Fernandes ayaana dhammaantood qaatay isagoo dhaliyay saddexdii hore, balse waxa uu khasaariyay kulankii ugu dambeeyay ee ka dhacay  Old Trafford bishii September ee sanadkii hore.

Philippe Coutinho ayaa si toos ah ugu lug yeeshay 77 gool oo Premier League ah intii u dhexeysay 2013 illaa 2017 xilligaas oo uu ka tirsanaa Liverpool isagoo dhaliyay 41 gool halka uu caawiyay 36 kale, goolkii ugu dambeeyay ee uu Manchester United tartan rasmi ah kaga dhaliyo waxa uu ahaa gool yimid ciyaartii Barcelona ay garoonkeeda 3-0 ku adkaatay wareegga rubac-dhammaadka tatanka Champions League bishii April ee sanadkii 2019.

Cristiano Ronaldo ayaa siddeed gool dhaliyay sagaal ciyaarood oo uu kusoo bilawday horyaalka isagoo wajahaya Aston Villa. Dhinaca kale, January waa bisha uu ugu goolasha badan yahay isagoo dhaliyay 60 gool kaddib 74 kulan oo uu horyaal ciyaaray.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:-

Aston Villa:

Manchester United:

Gool FM.





Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .