Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

January 29, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Wasiiir Cabdisaciid oo ku guuleystay xalinta cabaqad heystay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Sudan


Wasiirka Arrimaha Dibadda  iyo iskaashiga Caalamiga Cabdisaciid Muuse Cali oo kaashanaysa hay’adaha kale ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal dheer ku bixisay ka jawaabidda iyo xal u helidda caqabad haysatay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Suudaan, iyada oo ku guuleysatay in Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas laga dhaafo lacagta degenaanshaha, lacagta ganaaxa iyo lacagta kaararka shaqada.

Go’aankan oo dhaqan galay 10 casho ka hor, ayaa ku yimi iskaashiga iyo xiriirka wanaagsan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kala dhexeeya Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Suudaan, taas oo ay Labada Dowladood isla garteen in muwaadiniintooda ku kala sugan labada dal ay ugu adeegaan si siman, iyada oo laga cafinayo dhammaan kharashaadkaas.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya waxa ay uga mahadcelineysaa Dowladda Suudaan garab istaagga ay u muujiso dowladda Soomaaliya iyo fursaddan oo ay ka faa’iideysan doonaan ku dhowaad 7 kun oo arday ah iyo 300 oo qoys oo Soomaali ah oo ku dhaqan dalka Suudaan.

Wasiir Cabdisaciid ayaa sidan oo kale dadaal ku bixiyay in dalka dib loogu soo celiyo kudhawaad 100 dhalinyaro oo ku xirneyd dalka Libya  kuwaa oo dhibaato kala duwan ay heystay.

Muqdisho-Somalia

Happy

Happy

0 %

Sad

Sad

0 %

Excited

Excited

0 %

Sleepy

Sleepy

0 %

Angry

Angry

0 %

Surprise

Surprise

0 %



Cadceed News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .