Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

January 29, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Liverpool oo guul raaxo leh ka soo heshay kooxda Everton kulankii xiisaha badnaa ee Merseyside derby+ SAWIRO – Gool FM




(Liverpool) 01 Dis 2021. Kooxda Liverpool ayaa guul raaxo leh kaga soo gaartay naadiga Everton garoonka Goodison Park kulankii xiisaha badnaa ee Merseyside derby, kaddib markii ay ku adkaadeen 1-4, xilli ciyaartan ayaa qeyb ka ahayd kulammada `14-aad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee citaarta ayaa lagu kala nastay 1-2 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee Liverpool.

Daqiiqadii 9-aaad Liverpool ayaa durba hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Jordan Henderson kaddib markii ay caawin kaga timid saaxiibkiis Robertson.

19 daqiiqo marka ay dheesha mareysayna kooxda Lierpool ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee ciyaarta waxaana 0-2 ka dhigay weeraryahankooda Mohamed Salah.

Laakiin daqiiqadii 38-aad  kooxda Everton ayaa la timid gool, waxaana 1-2 ka dhigay dheesha Demarai Gray kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Richarlison.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

64 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Mohamed Salah ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 1-3 ay ku hoggaamineysay kooxda Liverpool.

Balse Diogo Jota oo caawin ka helay Robertson ayaa daqiiadii 79-aad wuxuu hoggaanka u dheereeyay kooxdiisa Liverpool, wuxuuna dheesha ka dhigay 1-4 ay ku hor kaceysay Reds.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-4 ay kaga soo adkaatay Liverpool kooxda Everton oo ay ku booqatay garoonka Goodison Park kulankii xiisaha badnaa ee Merseyside derby, Reds ayaa kaddib guushan ay gaartay waxay ka dhigan tahay inay wali fadhiso booska saddexaad ee dhanka kala sareynta horyaalka waxayna leedahay 32 dhibcood.

SAWIRRO:

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .