Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

January 18, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Barcelona oo wada hadallo la billawday Man City oo ay kaga dooneyso xiddig muhiim ah – Gool FM




(Barcelona) 01 Dis 2021. Barcelona ayaa dhawaan wadahadal la gashay Manchester City, taasoo ku saabsan saxiixa ciyaaryahankeeda Ferran Torres, kaddib markii uu codsi ka helay tababare Xavi Hernandez.

Sida laga soo xigtay wargeyska Mundo Deportivo ee dalka Spain, waxaa jira calaamado muujinaya inuu dhici karo heshiiska maalmaha soo socda, si loo dhameystiro qandaraaska suuqa furmi doona bisha January ee soo aadan.

Wargayska ayaa intaas ku daray in Pep Guardiola oo ah tababaraha kooxda Man City aanu waxba ka qabin bixitaanka Ferran Torres, sidaas darteedna ay arrimuhu ku xiran yihiin heshiiska labada kooxood.

Kooxda reer England ayaa dooneysa inay si joogto ah u iibiso xiddiga heerka caalami ee dalka Spain, oo aysan amaah ku siin Barca, taasoo ay sidoo kale dooneyso Barcelona, laakiin laga bilaabo xagaaga soo aadan.

Barcelona's Rafa Yuste responds to Ferran Torres rumors - Barca Blaugranes

Dhankiisa wargeyska Mundo Deportivo ayaa sharaxay in Blaugrana ay amaah ku heli doonto ciyaaryahanka 6 bilood kaliya, oo ay u badan tahay, sababa la xiriira duruufaha dhaqaale ee adag oo ay kooxda ku jirto, iyada oo ay ku qasbanaan doonto inay iibsato suuqa xagaaga soo aadan.

Si kastaba ha noqotee, tababare Xavi ayaa ku adkeysanaya inuu xaliyo heshiiska Ferran Torres, sababtoo ah wuxuu ku fiican yahay ka ciyaarista dhammaan boosaska dhanka weerarka, si fiican ayuuna u yaqaan jawiga horyaalka La Liga.

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .