Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

August 11, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Pep Guardiola oo ka hadlay mustaqbalkiisa Tababarennimo… (Miyuu doonayaa inuu layliyo koox kale oo Ingiriis ah?) – Gool FM




(Manchester) 28 Nof 2021. Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ka hadlay mustaqabalkiisa iyo haddii uu doonayo inuu layliyo koox kale oo ka dhisan dalka Ingiriiska.

Horay waxaa loo wariyey in Pep Guardiola uu isaga tagi doono kooxda Manchester City marka uu qandaraaskiisu dhammaado, balse haatan waxa uu qiray inuu dib ugu soo laaban karo Ingiriiska.

Macallinka reer Spain ee Pep Guardiola ayaa mustabalkiisa si cad uga hadlayey isagoo u warramayey Jariiradda Telegraph waxaana uu yiri:

“Markaan joogo halkaan Ingiriiska, mar walba waxaan ahaan doonaa tababaraha Manchester City, haddii mar uun ay rabaan inaan dib u soo laabto, waxaan ku soo laaban doonaa City, umana malaynayo in aan koox kale oo England ah tababari doono marka laga reebo iyaga.”

Pep waxa uu caddeeyey inuu dib ugu soo laaban karo England haddii ay Man City doonayaan inuu dib ugu soo laabato, isla markaana uusan laylin doonin koox kale oo Ingiriis ah sida uu hadalka u dhigay.

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .