Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

November 28, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Xiisada u dhaxeeso Turkiga iyo qaar kamid ah wadamada reer galbeedka oo gaartay halkii ugu sareesay. – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia


Muqdisho-KNN-Xiisada u dhaxeeso Turkiga iyo qaar kamid ah wadamada reer galbeedka ayaa gaartay halkii ugu sareesay kadib markii Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu sheegay inuu amray 10 safiir oo ay ku jiraan kuwa Mareykanka iyo Faransiiska in dalka aan looga baahnayn oo ay ka baxaan isagoo adeegsanaya Persona non grata.

Tallaabadan ayaa waxay daba socotaa bayaan ka soo baxay ergooyinkan oo ku baaqaya in si deg deg ah loo sii daayo Osman Kavala oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha bini’adanimada.

Muddo afar sano ka badan ayuu xabsiga ugu jiray sababo la xiriira mudaaharaadyo iyo isku day afgambi, inkastoo aan la xukumin.

Qoraalkii toddobaadkan ee Mr Kavala ayaa si wadajir ah uga yimid safaaradaha Mareykanka, Kanada, Faransiiska, Finland, Denmark, Jarmalka, Netherlands, New Zealand, Norway iyo Sweden. 



Post Views:
1



Radio Kulmiye

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .