Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

December 1, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Miyuu Hazard qeyb ka noqon doonaa kulanka El Clasico ee Barcelona? – Gool FM




(Madrid) 21 Okt 2021. Inta badan warbaahinta Spain ayaa maanta oo khamiis ah qortay in ciyaaryahanka reer Belgium iyo kooxda Real Madrid ee Eden Hazard uu qeyb ka noqon doono Liiska xiddigaha Los Blancos ee ka qeyb galaya kulanka El Clasico ee Barcelona.

Tani waxay timid kaddib markii ciyaaryahanka uu saaxiibadiis kooxda kala qeyb qaatay tababarka maanta, ay ugu diyaar garoobayeen kulanka El Clasico ee Barcelona ay kula ciyaari doonaan garoonka Camp Nou, isaga oo aan wax dhibaato ah qabin.

Wali lama oga in tababaraha reer Talyaani iyo kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti uu Hazard ku soo bilaabi doono kulanka Barcelona iyo in kale, inkastoo ciyaaryahanka uu dareemayo fiicnaan iyo inuu diyaar u yahay inuu ciyaaro.

Saxafiga reer Spain ee Mario Cortegana, oo ka tirsan shabakadda Goal, ayaa sharraxay in go’aanka uu kaga qeyb galayo Eden Hazard kulanka El Clasico ay ku jirto gacanta tababare Carlo Ancelotti, haddii uu ku soo bilaanayo ama haddii kursiga keydka la dhigayo, ama xitaa haddii ay ku filan tahay inuu kaliy qeyb ka noqdo liiska xiddigaha Los Blancos ee ku sugnaan doono garoonka Camp Nou.

Ancelotti ayaa qaadan doona go’aanka uu kaga qeyb galaya Hazard kulanka El Clasico, isagoo la tashanaya shaqaalaha caafimaadka ee Real Madrid, inta lagu jiro tababarka labada maalmood ee soo socota, iyo kahor bilowga kulanka la wada sugayo.

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .