Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

December 1, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Jordi Alba oo ka dhaawacmay Barcelona… (Miyuu seegi doonaa kulanka El Clasico?) – Gool FM




(Barcelona) 21 Okt 2021. Ka qeybgalka daafaca reer Spain iyo kooxda Barcelona ee Jordi Alba ​​kulanka El Clasico ee Real Madrid, Axadda soo socota, ayaa shaki ku jira, sida laga soo xigtay wargeyska Sport maanta oo khamiis ah

Wargeyska Sport oo aad ugu dhow naadiga Barcelona ayaana sheegay in ciyaaryahanka uu dhaawac ka soo gaaray dhanka canqowga, inta uu socday kulankii xalay Blaugrana ay kula ciyaareen Dynamo Kiev tartanka Champions League.

Alba wuxuu ka shaqeynayaa saacad kasta si uu isugu dayo inuu qeyb ka noqdo kulanka ay kooxdiisa kula ciyaari doonto Real Madrid Axadda garoonka Camp Nou, kaasoo qeyb ka ah kulammada Isbuuca 10-aad ee Horyaalka Spain.

Ciyaaryahanka Barca ayaa baaritaan caafimaad oo horudhac ah maray waxaana la ogaaday inuu ka dhaawacmay canqowga, Alba qudhiisa ayaa ciyaarta kaddib wuxuu ka hadlay arimo ku saabsan dhaawaciisa.

“Xanuun ayaa jira, balse ma aqaan waxa uu yahay.” Ayuu yiri daafaca reer Spain iyo kooxda Barcelona ee Jordi Alba.

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .