Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

November 28, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Mareykanka oo taageero u fudiyay dad ku waxyeeloobay duqeyn uu ka geystay Kaabul. – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia


Washington-KNN-Waaxda Difaaca Mareykanka ee Pentagon ka ayaa dhambaal tacsi ah iyo lacago aan la cayimin u fidisay qoyskii 10 qof oo rayid ah oo ku dhintay duqeyn diyaaradeed oo Mareykanku bishii Agoosto ee la soo dhaafay uu ka geystay Magaalada Kaabul ee dalka Afghanistan.

Waaxda Difaaca ee Mareykanka ayaa sheegtay inay samaysay ballanqaad ay ka mid yihiin bixinta lacag iyo in Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ay kala shaqeynayaan sidii loo taageeri lahaa  xubnaha qoyska ee danaynayay inay u guuraan Mareykanka.

Xafiiska Pentagoonka ayaa sheegay in dadkii ku dhintay duweyntii Kaabul ee 29-Agoosto ay ahaayeen dhibbanayaal aan waxba galabsan oo aan eed lahayn ,isla markaana  aan xiriir la lahayn Dawladda Islaamiga ah ee Gobolka Khorasa.

Duulaanka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Kabul ayaa lagu dilay ilaa 10 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan 7 carruur ah.

Pentagon-ka ayaa horay u sheegay in weerarkii 29-kii bishii August lala beegsaday kooxo mitidiin ah oo halis weyn ku ahaa ciidammada uu hoggaaminayo Mareykanka ee ku sugnaa garoonka diyaaradaha,xilli ay socdeen dhamaystirka marxaladihii ugu dambeeyay ee ka bixitaanka Afghanistan.



Post Views:
1



Radio Kulmiye

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .