Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

November 28, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Manchester City vs Burnley… (Citizens oo hoggaanka la wareegi karta iyo Martida oo raadineysa guusheedii ugu horreysay ee…) – Gool FM


(Manchester) 16 Okt 2021. Difaacdayaasha horyaalka Premier League ee Manchester City ayaa galabta kulan ka tirsan horyaalka la ciyaaraya naadiga Burnley.

Man City ayaa horyaalka hoggaankiisa ugu yaraan si ku meel gaar ah u qaban karta haddii ay guuleysato kulanka galabta iyadoo haatan booska saddexaad la fadhisa 14 dhibcood waxayna labo dhibcood ka hooseysaa Chelsea oo kaalinta koowaad kula jirta 16 dhibcood.

Dhinaca kale, Burnley ayaa raadineysa guusheedii ugu horreysay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan iyadoo saddex barbarro gashay afar kulanna la garaacay toddobadii kulan ee ay ciyaartay illaa iyo haatan.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 02:30 Duhurnimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: Etihad Stadium

Garsooraha: Martin Atkinson (England)

Wararka Kooxaha:

Weeraryahanka Manchester City ee Ferran Torres ayaa ciyaartan ku seegayo dhaawac uu garoommada kaga maqnaan doono muddo saddex bilood ah.

Ederson iyo Gabriel Jesus oo Brazil u saftay saacadihii hore ee aroornimadoo Jimcaha xulkooda Brazil kulankii ay is-reeb-reebka Koobka Adduunka la ciyaareen Uruguary ayaa ciyaartan seegaya hase ahaatee, waxaa Pep Guardiola kooxdiisa usoo laabtay Ilkay Gundogan iyo Oleksandr Zinchenko oo dhaawacyo dheer kasoo kabsaday.

Geesta kale, Burnley ayaa weyneysa kabtankeeda Ben Mee kaasoo laga helay Korona Fayras, halka shaki laga gelinayo inay ciyaaraan kulankan Matej Vydra iyo Charlie Taylor.

Nasiib wanaag, kooxda martida ah ayaa maanta heleysa Johann Berg Gudmundsson oo shaki laga gelinayay kulankan iyo Maxwel Cornet oo dhaawac bowdada ah ku seegay barbarrihii Norwich.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Fool Ka Fool:-

Manchester City ayaa 5-0 kaga adkaatay Burnley mid kasta oo ka mid ah afartii kulan ee ugu dambeysay horyaalka iyo FA Cup oo ka dhacay Etihad Stadium.

Kooxda uu hoggaamiyo Macallin Sean Dyche ayaa siddeed guuldarro la kulantay minnin iyo marti is-aragyadii hore, waxay dhalisay kaliya hal gool halka laga dhaliyay 30 gool.

Manchester City

Kooxda Man City ayaa shabaqeeda ku difaacatay garoonkeeda iyadoo horyaalka ku ciyaareysa afartii kulan ee ugu dambeysay iyadoo 5-0 ku adkaatay saddexdii hore.

Citizens ayaa ah kooxda horyaalka ugu difaacashada fiican iyadoo laga dhaliyay kaliya saddex gool, sidoo kalena aanan shabaqeeda la gaarin qaybta hore ee ciyaarihii hore, waxayna wajahday darbooyinka ugu yar oo ah 42 iyo kuwa noqday bartilmaameedka saxda ah ee ugu yar oo gaaraya 10, waana kooxda ugu wanaagsan dhinacyadaas.

Fernandinho ayaa hal kulan u jira inuu noqdo xiddigii labaad ee kasoo jeeda dalka Brazil kaasoo safta 250 kulan oo Premier League ah.

Burnley

Naadiga Burnley ayaa guul la’aan ah 10 kulan oo xiriir ah horyaalka Premier League iyadoo heysata rikoorka guul la’aanta ugu dheer waqtigan ee afarta heer ee horyaallada Ingiriiska.

Cel-celiska da’da safka naadiga The Clarest ayaa ah 29 sano iyo 39 maalmood, waana safka ugu da’da weyn horyaalka Ingiriiska xilli ciyaareedkan.

Haddii ay guuleysato Burnley galabta, Macallin Sean Dyche ayaa noqon doona macallinkii labaad ee saddex naadi oo horyaalka difaacanaya garoonkooda kusoo garaaca kaddib Sir Alex Ferguson, waxaana Dyche uu soo garaacay Chelsea 2017 iyo Liverpool xilli ciyaareedkii hore.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-

Manchester City:

Burnley:

Gool FM.





Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .