Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

November 28, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Leicester City vs Manchester United… (Gool uu dhaliyo Ronaldo oo taariikh kale u sameyn kara) – Gool FM


(Leicester) 16 Okt 2021. Sida ay dad badani qabaan, kulanka ugu xiisaha badan horyaalka Premier League ayaa galabta dhex mari doona kooxaha Leicester City iyo Manchester United.

Kooxda lagu naaneyso Foxes ayaa waqti ciyaareed liita qaadaneysa xilli ciyaareedkan iyadoo uruursatay kaliya siddeed dhibcood toddobadii kulan ee horyaalka Premier League waxayna fadhisaa kaalinta 13-aad ee kala sarreynta horyaalka, se waxaa la fahansan yahay inay ciyaar shiddo badan kala hortagi doonaan Red Devils oo kaalinta afaraad kula jirta 14 dhibcood.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 05:00 Galabnimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: King Power Stadium

Garsooraha: Craig Powson (England)

Wararka Kooxaha:

Leicester City difaaceeda Jonny Evans oo 198 kulan u saftay Manchester United 2005 illaa 2007 ayaa kusoo bilaaban kara kulankiisii ugu horreeyay horyaalka tan iyo April isagoo kasoo kabsaday dhaawac cagta kasoo gaaray iyo xanuunno kale halka Jannik Vestergaard uu qabo dhibaato dhaawac oo aanan la caddeyn isla markaana la qiimeyn doono.

Dhinaca kale, Man United ayaa dib u heleysa weeraryahankeeda Marcus Rashford kaasoo kabsaday qaliin looga sameeyay garabka sidoo kale Harry Maguire ayaa soo laaban kara ciyaartan.

Fred iyo Edinson Cavani oo ka qayb galay kulammadii is-reeb-reebka Koobka Adduunka ee waddamada Koonfurta Ameerika ayaanan ka qayb gali kulankan maadaama ay shalay subax soo dhammaadeen ciyaarahoodii.

Si kastaba ha ahaatee, Raphael Varane ayaa dhaawac gummaarka ah ku seegaya ciyaartan.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Fool Ka Fool:-

Leicester City ayaa Manchester United ku garaacday horyaalka iyo FA Cup sanadkan 2021 iyadoo labadaas ciyaaroodba lagu dheelay Old Trafford, waxayna The Foxes raadineysa inay Red Devils garaacdo saddex kulan oo xiriir ah dhammaan tartammada markii ugu horreysay muddo 120 sano.

Si kastaba ha ahaatee, Man United ayaa kaliya hal guuldarro la kulantay 15-kii jeer ee ugu dambeysay Premier League oo ay booqatay Leicester City waxaana markaas lagu garaacay 5-3 kulan dhacay bishii September ee 2014.

Manchester United ayaa kulan gool dhalisay 24 kulan oo xiriir ah marka ay horyaalka wada ciyaarayaan tan iyo guuldarradii 1-0 ahayd ee kusoo gaartay Old Trafford bishii January ee 1998.

Leicester City

Afarta kulan oo guul la’aanta tahay Leicester waa guul la’aantii xiriirka ahayd ee ugu dheerreyd tan iyo markii uu macallin u noqday Brendan Rodgers.

The Foxes ayaa la kulantay siddeed guuldarro 16-keedii kulan ee ugu dambeysay Premier League oo kasoo bilaabanaya curashadii April, waxaana ka guuldarrooyin badan muddadaas Burnley oo 11 la kulantay iyo Wolves oo siddeed la kulantay.

Kelechi Iheanacho ayaa 11 gool ka dhaliyay Premier League 12-kiisii kulan ee ugu dambeysay oo uu ugu soo billawday Leicester City halka Jamie Vardy uu gool dhaliyay saddexdiisii ciyaarood ee ugu dambeysay ee uu u dheelay Dawacooyinka.

Manchester United

Manchester United ayaa guuldarro la’aan ah 29 kulan oo ay Premier League kusoo ciyaartay bannaanka waana rikoor ay u dhigtay horyaalka iyadoo guuleysatay 19 kulan, halka 10 kalena ay barbarro gashay, safarkan soo bilawday kaddib guuldarradii Anfield kaga soo gaartay Liverpool ee ahayd 2-0, waxay Red Devils 34 dhibcood oo ka mid ah 67-da ay heshay muddadaan ay ka dhacsatay iyadoo hoggaanka laga qabtay.

Jesse Lingard ayaa lix gool si toos ah kaga qayb qaatay lixdii jeer ee ugu dambeysay oo uu Premier League kaga hortagay Leicester City isagoo dhaliyay saddex gool, saddex kalena caawiyay.

Haddii uu Cristiano Ronaldo gool ka dhaliyo Leicester City waxay noqon doontaa kooxdii 120-aad ee uu xirfaddiisa kubadda cagta gool ka dhaliyo.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-

Leicester City:

Manchester United:

Gool FM.





Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .