Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

November 28, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

DAAWO:-Wafdigii Soomaaliya uga qeyb galay Maxkamada ICJ oo dalka dib ugu soo laabtay


Waxaa goordhaw oo maanta ah dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya wafdigii dowladda Fedaraalka Soomaaliya uga qeyb galay dhageysigii go’aankii Maxkamada Caddaaladda Aduunka ee ICJ kaga gaartay kiiskii dacwada Badda ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya.

Wafdiga maanta dalka dib ugu soo laabtay waxaa hoggaaminaayay Raysal wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, waxaana garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Wafdiga ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta heer keedu sareeyay ee maanta loogu sameeyay garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, iyagoona sheegay iney si weyn ugu faraxsan yihiin guushii laga gaaray kiiskii dacwada badda ee Kenya ay murunka galisay.

12-kii bishaan ayay aheyd markii Maxkamadda Cadaalada Aduunka ee ICJ ay go’aan ka gaartay kiiskii dacwada badda ee u dhaxeeyay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, iyadoona doodda labada dal ay aheyd Soomaaliya uu mowqifkeedu ahaa in xadaynta lagu saleeyo laynka tooska ah ee ku astaysayn xuduudda badda, halka Kenya ay dooneysay in xariiqda lagu saleeyo loolka.

Maxkamadda ICJ ayaa sameysay xariiq cusub oo ah xuduud badeedka labada dal, sida ka muuqatay xariiqda cusub, inta badan dhul-badeedkii ay sheegatay Kenya waa la diiday, waxaana loo xukumay Soomaaliya.



Wardoon news

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .