Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

November 28, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Brentford vs Chelsea… (Maxaa kasoo kordhay xaaladaha Lukaku, James, Kante iyo Silva?) – Gool FM


(London) 16 Okt 2021. Kooxda dhowaan galka ah ee Brentford ayaa kulan ciyaareed xiiso badan caawa la qaadaneysa kooxda ay London ka wada dhisan yihiin ee Chelsea kaasoo ka tirsan horyaalka Premier League.

Blues ayaa hoggaanka u heysa horyaalka Ingiriiska iyadoo 16 dhibcood uruursatay toddobadii ciyaarood ee ay dheeshay, waxayna caawa la dheeleysaa naadiga xilli ciyaareedkan ku cusub horyaalka ee Brentford taasoo 12 dhibcood uruursatay toddobadii kulan ee ay dheeshay.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 07:30 Fiidnimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: Brentford Community Stadium

Garsooraha: Anthony Taylor (England)

Wararka Kooxaha:

Kristoffer Ajer iyo Vitaly Janelt ayaa usoo laabtay naadiga Brentford kaddib markii ay dhaawacyo ku seegeen kulankii ay guusha ka gaartay West Ham halka Shandon Baptiste oo uu dhaawac kasoo gaaray garabka kulankaas uu seegi doono ciyaarta caawa.

Romelu Lukaku ayaa taam u ah kulankan kaddib dhibaato kasoo gaartay waajibaadka xulkiisa qaranka Belgium, waxaa sidoo kale la filayaa inay ciyaartan kusoo laabtaan Reece James oo dhaawac kasoo kacay iyo N’Golo Kante oo kasoo laabtay Koofid-19, balse waxaa ka maqnaan doona Thiago Silva oo karaantiil galaya iyo Antonio Rudiger oo uu dhaawac kasoo gaaray kulammadii xulkiisa Germany.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Fool Ka Fool:-

Brentford ayaanan ka adkaanin Chelsea tan iyo guushii 3-1 ahayd ee ay kaga gaartay garoonka Stamford Bridge bishii February sanadkii 1939.

Kooxda lagu naaneyso The Bees ayaanan wax guul ah ka gaarin Blues lix kulan oo tartammada rasmiga ah ay la ciyaartay kaddib guushii aan sare kusoo sheegnay waxaana ku jira saddex jeer oo ay FA Cup isku arkeen siddeedii sano ee ugu dambeysay halka markii ugu dambeysay oo ay horyaalka isku arkeen ay ahayd bishii March ee 1947.

Brentford

Brentford guulihii ay ka gaartay Arsenal iyo West Ham oo lagu daray barbarrihii ay la gashay Crystal Palace ayaa ka dhigtay kooxdii ugu horreysay ee guuldarro la’aan noqoto saddexdeedii ciyaarood ee ugu horreysay Premier League ee kulammada Darbiga London.

Kooxda lagu naaneyso The Bees ayaa adkaatay toddobo ka mid ah sagaal jeer oo ay la ciyaartay koox horyaalka hoggaamineysa maalintaas waana markii ugu horreysay oo ay la ciyaareyso koox booska koowaad kaga jirta horyaalka tan iyo January 1947.

Yoane Wissa ayaa celcelis ahaan gool u dhaliyay 47 daqiiqo walba kooxda Brentford xilli ciyaareedkan isagoo lix shan gool dhaliyay lix kulan oo uu horyaalka iyo FA Cup u ciyaaray fasalkan.

Chelsea

Chelsea ayaa noqon karta kooxdii ugu horreysay afarta heer ee horyaallada Ingiriiska taasoo gaartay toddobo guul oo xiriir ah kulammada London Derby ama Darbiga London.

Blues ayaa gool kusoo dhaliyay 57 ka mid ah 59 garoon oo ay kusoo ciyaartay Premier League waxayna ku guuldarreysatay inay gool kusoo dhaliso keliya garoonkii hore ee Sunderland, Roker Park iyo Ayresome Park oo ay hore ugu ciyaari jirtay naadiga Middlesbrough.

Kooxda Macallin Thomas Tuchel ayaa Premier League ku leh xilli ciyaareedkan 12 gool dhaliye oo kala duwan marka laga reebo goolasha ay iska dhaliyeen kooxaha ka hor yimid, waana kooxda ay ciyaartoyda ugu badan horyaalka gool ugu dhaliyeen xilli ciyaareedkan.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-

Brentford:

Chelsea:

Gool FM.





Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .