Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

November 28, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Mohamed Salah oo qeexay furaha Liverpool si ay ugu guuleysato horyaalka Premier League – Gool FM




(Liverpool) 15 Ok 2021. Xiddiga reer Masar iyo kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa carabka ku adkeeyay baahida kooxda ee ah inay bixiso heerkeeda ugu wanaagsan si ay ugu guuleysato hanashada horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan iyadoo loolan xoog leh uu jiro.

Hadalka Salah ayaa yimid kaddib markii loo caleemo saaray abaal-marinta ciyaaryahanka ugu fiican Liverpool, kaddib markii uu ku guuldarreystay abaal-marinta ciyaaryahanka ugu fiican Premier League oo loo caleemo saaray xiddiga Manchester United ee Cristiano Ronaldo.

Xiddiga reer Masar iyo kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Waa inaan bixinnaa heerkeena ugu wanaagsan si aan wax ugu guuleysano, waxaan u maleynayaa inaan tayadaas leenahay, waxaan leenahay koox heer sare ah, waana inaan nafteena ku dhiirrigelinnaa inaan isku dayno inaan wax ku guuleysano.”

“Waxaan u maleynayaa in qof walba uu u fikiro si isku mid ah, taasina waa waxa aan u baahanahay, waxaan u baahanahay inaan maanka ku hayno inaan ku dhameysano xilli ciyaareedka inaan wax ku guuleysano.”

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .